Tuesday, April 8, 2025

SAAMEYNTA DAGAALKA GANACSI EE TRUMP KU LEEYAHAY SOOMAALIYA: FALANQEYN QOTODHEER

 Go’aannada cusub ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee la xiriira kor u qaadista canshuuraha badeecooyinka laga keeno dalal badan oo caalamka ah ayaa khalkhal geliyey suuqyada maaliyadeed ee dunida. Su’aasha la is weydiinayo ayaa ah: Sidee ayuu dagaalka ganacsi ee Trump u saameyn karaa Soomaaliya?

1.     Kordhinta Canshuuraha:

Trump wuxuu ku dhawaaqay in laga bilaabo 5 April 2025 la dhaqan gelinayo canshuur guud oo ah 10%, iyo kuwa kale oo gaar ah oo gaaraya ilaa 54% iyadoo ku xiran waddanka laga keenayo badeecada. Wadamada sida Shiinaha, Jarmalka, iyo Japan ayaa si toos ah u saameyn doona, waxayna durba bilaabeen inay is-difaacaan oo ay soo rogaan canshuur lamid ah.

2.     Khalkhalka Suuqyada Maaliyadeed

Wararka ku saabsan canshuuraha cusub waxay sababeen hoos u dhac weyn oo ka dhacay suuqyada saamiyada adduunka. Tusaale ahaan, Dow Jones wuxuu hoos u dhacay 9.5% seddex maalmood gudahood, halka Nasdaq iyo S&P 500 ay iyaguna lumiyeen boqolleyo badan oo qiimo ah. Suuqa lacagaha qalaadna (DXY) wuxuu muujiyey in Dollar-ku hoos u dhacay, taasoo muujinaysa kalsooni-darro dhaqaale.

3.     Saameynta Tooska ah ee Soomaaliya

Soomaaliya si toos ah uguma jirto liiska dalalka la canshuurayo, laakiin taasi macnaheedu maaha in aysan saameyn dareemi doonin. Waxaa jiri kara dhowr saameyn oo dadban:

ü  Qiimaha Badeecooyinka: Badeecooyinka ka imaanaya waddamada la canshuuray, gaar ahaan Shiinaha, waxay suurtagal tahay in qiimahooda sare u kaco maadaama suuqyadii Mareykanka laga xayiray. Tani waxay si toos ah u saameyn kartaa qiimaha badeecooyinka ay Soomaaliya ka soo dhoofsato.

ü  Hoos u Dhaca Suuqyada Caalamka: Maadaama dhaqaalaha dunida isku xiranyahay, khalkhalka ka dhaca dhaqaalaha weyn sida Mareykanka wuxuu si dadban u saameyn karaa maalgashiga, sicir-bararka iyo qiimaha lacagaha caalamka — taasoo keeni karta in Soomaaliya la kulanto xasillooni la’aan dhaqaale.

ü  Badeecooyin Raqiis ah: Marka Mareykanku canshuur sare saaro badeecooyinka ka imaanaya dalal sida Shiinaha, warshadaha dalalkaasi waxay u baahanayaan suuqyo kale oo ay u dhoofiyaan alaabtooda. Tani waxay abuuri kartaa fursad dahabi ah oo badeecooyin tayo leh, haddana jaban, lagu soo rogo Soomaaliya iyo Afrika guud ahaan. Tusaale ahaan, haddii qalabka elektaroonigga Shiinaha uu ka xirmo suuqyada Mareykanka, shirkadaha Shiinaha waxay ku qasbanaan doonaan inay qiimo dhimis ku sameeyaan alaabtooda si ay u galaan suuqyo cusub. Soomaaliya oo aan xayiraad saarnayn waxay noqon kartaa suuq la beegsado.

 


Best publications

SAAMEYNTA DAGAALKA GANACSI EE TRUMP KU LEEYAHAY SOOMAALIYA: FALANQEYN QOTODHEER

 Go’aannada cusub ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee la xiriira kor u qaadista canshuuraha badeecooyinka laga keeno dalal badan oo c...

Most Viewed